Kaabayaasha shabakada

Isku xirka iyo internet-ka

Kaabayaasheena isku-xirka ahi waxay ka kooban yihiin dhammaan qaybaha aaladaha ICT-da ee awood siinaya isgaarsiinta shabakadda, howlaha kala duwan iyo nidaam-maarayn, sido kale isku xira shabakad ganacsi.

Networking and Internet​ | Solve-TechnoNet

Faa'iidooyinka lahaanshaha Kaabayaasha Shabakadaha Si Hufan Loogu Habeeyey waxay fureysaa isbadal hor ah. Tani waxay tusineysaa in qorshooyinka qaabdhismeedka Networkiga wanaagsan ay xoojin karaan horumarka ganacsigaaga iyagoon dib marlabaad aan la dhisin nidaamkaaga hore ama dib u qaabeyn loo sameynin aasaaska kaabayaasha shabakadaada hore ee jirtay. Waxyaabaha kale ee aad ku qaddarin karto (qaabdhismeedka fiican ee shabakada-casriyaysani) waa kharash-ku-filnaansho ama wax-ku-ool qiimo leh. Kharashaadka ku baxa socodsiinta nidaamkaaga ee casriyaysani waa joogto, oo mamarka qaar waxaad la kulmi doontaa nidaamyo tayo-yar oo khalkhal iyo cilad galinaya oo saameyn ku yeelan kara guud ahaanba Ganacsigaaga ama shirkadaada.

Si aad u aragto adeegeena ee Naqshadeynta ama dhisida Datacentre ka fadlan guji badhankan hoose.

Adeega Network-ga?

Waxaan siinaa ururada, shirkadaha iyo goobaha Ganacsiga Naqashadeenta Kaabayaasha (networking) casriyaysan oo hal-abuurnimo iyo hirgelin ba leh si ay ugu fududaato waxqabadkoogu oo waliba muhiim u ah guusha guud ee dhanka adeega ICT-ga. Faa'iidooyinka uu leeyahay xalalkeena wanaagsan oo ay qabtaan kooxdeena shahaadaysan waxay leeyihiin saameyn aad u wanaagsan oo mudan qaabka kombiyuteradada iyo aaladaha kale ICT-da u shaqeeyaan.
Solve-TechnoNet ayaa bixiya adeegyada naqshadeynta shabakadda (Network design) ee heerka-ugu sareesa. laga bilaabo qaabaynta ama dhisida kaabaha shabakad cusub iyo habeenta kii sii jiray ba.

kaabayaasha Shabakadaha

Kaabayaasha shabakadu waa ilaha qalabka hardware ka iyo software waana shabakad kasta oo awood u siinaysa inay shaqeeyaan, sida isgaarsiinta, howlgal wadaagid, iyo maaraynta shabakad shirkad ama Ganacsi.
Shabakadaas la maareeyay oo si hufan loo dhisay Waxay siin karta hab ama jid isgaarsiin, isku xirnaansho iyo adeegyada oo laka wadaago oo u dhexeeya sida dadka isticmaaleyaasha, geedi socodka, codsiyada, adeegyada, iyo shabakadaha internetka.
Networking and Internet​ | Solve-TechnoNet

Naqshadeynta kaabayaasha wanaagsan iyo kuwa quruxsan ayay ka faa'iideysan karta meheraddaadu ama ganacsigaagu maanta

Maadaama aad tahay milkiilaha goob shaqo ama shirkad ma dhihi laheyd “waxaan awooda sida ganacsigaygu ama shirkadaydu kor usocon lahayd oo heer fiican ay u mari lahayd” adiga oon istiraatiijiyada iyo isbadalka teknoolojiyada maanta socda aadaan ka faa’idaysanaynin Iyada oo la tix-raacayo “IoT”. cimriga shirkadaadu ama goobta shaqadaadu wuxuu ku tiirsan yahay inuu yeesho qaab-dhismeed aasaas u ah nidaam (system) adag iyo qaabab si habboon loogu hirgeliyo teknolojiyada casriyaysan sida shabakadaha iyo internet-ka.